Xildhibaan Cadow Cali Gees oo diyaaradihii qaadka keeni jiray Muqdisho u soo weeciyey Jowhar kuna howlan furista Dekada Ceelmacaan

0
237
A machine gun mounted truck from the Islamic Courts Union can be seen at the port of El Maan just north of Mogadishu, Friday, June 16, 2006. From Mogadishu's primitive port to the new Coca-Cola bottling plant, from the gritty slums to the elite hotels, religious and secular Somalis - extremists and moderates - all can find something good in the defeat of the country's warlords.(AP Photo/Karel Prinsloo)

Muqdisho (INO) – Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay inay hakiyeen Diyaaradihii Qaadka ee uga soo degi jirey Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, sababo la xiriira Canshuurta oo lagu kordhiyey Kharajka laga qaado Qaadka.

Qaar ka tirsan Ganacsatadda ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Diyaaradahooda si KMG ugu wareejiyeen Garoonka Diyaaradaha ee magaallo-madaxda Maamulka Hsale ee Jowhar.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ganacsatadda Qaadka u go’aansadeen arrintaasi.

Dhinaca kale, Kala-bar Diyaaradaha Qaadka keeni jirey magaalladda Muqdisho waxaa iska leh Xildhibaan Caddow Cali Gees oo isagu ka mid ahaa Murashixiintii isku soo taagay Doorashadii Madaxtinimadda ee Somalia.

Xildhibaan Caddow Cali Geas iyo Mas’uuliyiinta Deegaanka ee ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa waxay horey u sheegeen inay dib u hawlgeli doonaan Garoonkii Diyaaradaha Cisaley ee Gobalka Sh/dhexe, iyo dekada ceel macaan si ay ugu soo degaan Diyaaradaha Qaadka iyo kuwa Rakaabka iyo beecadaha kale ee dekada Muqdisho soo mari jirey.

Idale News Online, Muqdisho.