Muqdisho(INO)—Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku tilmaamay sharci darro maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Goodax Barre oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan isla markaana hore u soo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dowlada Federalka aysan ku bixin wax dadaal ah sida ay ugu bixisay dhismada gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo gobolada dhexe ee dalka.
“Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka jiray dad kala aaminsanaa saddex gobol iyo lix gobol dowladuna waa ay la hadashay sidoo kale gobolada dhexe waxaa lagala tashaday arrimaha maamul u sameynta maamulka Ximan iyo Xeeb,Ahlu Sunna iyo Maamulkii Galmudug halka arrimaha Hiiraan iyo Sh/dhexe lagala tashaday labada guddoomiye”ayuu yiri xildhibaan Goodax Barre.
Xildhibaan Goodax Barre ayaa hore dhaliilo ugu soo jeediyay dowlada Federalka waxana uu ka mid yahay ragga ugu cadcad ee Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrimaha maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa dib u dhac uu ku yimid qorshihii ay wasaarada arrimaha gudaha hore ugu talogashay ayaa noqday mid aan suurtogalin.
Idale News Online, Muqdisho