Muqdisho(INO)-Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil oo nala soo xiriiray ayaa si weyn u beeniyay eedeymaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo ah inuu warqad u gudbiyay gudiga dabgalka Qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaaliya.
Sida ay maanta qorta xoghoose, Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa Xildhibaan Cabdi Barre ku eedeysay inuu warbixin been abuur ah u diray Gudigga dabagalka Qaramadda Midoobe ee arrimaha Somalia ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEMG.
Xildhibaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrimahaas, waa uuna sheegay inaysan waxba ka jirin inuu baasaboorka Soomaaliya ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan fiiso lagu bixin karin.
“Wax ka jira malaha arrintaas, aniga waxba kama sheegin baasaboorka Soomaaliya, eedeymaha la sheegay inay ii haysato waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka ee Dowladana ma jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.
Sida uu warbixinta lagu soo qaatay Xildhibaanka ayaa warqad u gudbbiyay Qaramada Midoobe qeybtooda dabagalka isagoo ku dhaliilay baasaboorka Soomaaliya inay isticmaalaan alqaacida iyo burcad badeed.
Idale News Online, Muqdisho.