Gaalkacyo ( INO)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay xad gudub Magaalada Gaalkacyo loogu geystay dhalinyaro Soomaaliyeed.
Mudane Afaraale ataa in tilmaamay dad uu ku sheegay in ay yihiin Ma naxayaal ay arrimo ka baxsan beni’aadanimada kula dhaqaaqeen 2 wiil oo dhalinyaro ahaa ee iyagu ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.
Wuxuu carabka ku dhuftay Xildhibaanku in wiilashaasi inta xubnahooda taranka iyagoo nool laga jaray, deedna gadaal Gaari looga xiray lagu jiid jiiday waqooyiga Gaalkacyo illaa ay ka naf baxaan.
“ dadka qalad waa gali karaa ee waxaa loo baahan yahay in Maxkamad ay xukunto” ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa isweydiiyay sharciga dhigayo in dad rayid ah dad kale inta soo qabsadaan ay iska dilaan , taas oo uu sheegay in jawaabteeda looga fadhiyo maamulka Puntland.
Dhalinyarada dhibaatadaasi lagula kacay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ka soo jeeday koofurta Soomaaliya islamarkaana shaqada baalasheynta Kobaha ka hayay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan dhinaca maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab.
Idale News Online, Galkacyo