Xildhibaan Aadan Barre: Ma oggolaaneyno in bulshadeenna lagu shabbadeeyo argagixiso.

0
186

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inuusan oggolaan doonin in qowmiyadda Soomaalida lagu shabbadeeyo inay yihiin argagixiso.

Aadan Barre oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ayaa si cad uga soo hor-jeeda howlgallada ciidamada Kenya ay ka wadaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay wargeyska Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa, balse aan la qaadan karin in dad ay carruur ku jiraan loo dhibaateeyo inay argagixiso yihiin, inay taageeraan ama ay maal-geliyaan.

Wuxuu dhaleeceeyay fasiraad qaldan oo ay warbaahinta gudaha u sameysay qudbad uu horraantii bishan ka jeediyay isu-soo bax ka dhacay Islii, taas oo uu kaga hadlay qaraxyada xaafadda ka dhaca.

Aadan Barre wuxuu sheegay inuu u taagan yahay difaaca Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta Kenya.

Howlgallada ciidamada ee Islii ayaa lagu qab-qabtay kummanaan qof oo u badan Soomaalida Kenya iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen xad-gudubyada.

Xildhibaan-Ducaale

Idale News Online.