Xildhaan Xayd” “Kenya Qunsul marka ay Jubbooyinka usoo magacaabeyso Jubbooyinka maxay tahay”.

0
209

Kadib markii Dowladda Kenya ay Gobalada Jubbooyinka usoo magacawday Qunsul cusub oo halkaasi Kenya ufadhin doona, ayaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu si kulul uga hadlay arintaasi.

Xildhibaan Maxamuud Xayd oo kamid ah aqalka Baarlamaanka dalka ayaa usheegay Idaacada Goobjoog in wax la aqbali karo aysan aheyn in Kenya Qunsul ay usoo magacawdo Gobalada Jubbooyinka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu si kulul usheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay qaado tallaabo cad oo ku aadan arintan, Dowladda kenyana ay xiriirka ujarto, maadaama arin qaldan ay ku dhaqaaqday, sidoo kalena Maamulka KMG ee Jubba lagu ciqaabo arintaasi.

Kenya Qunsul marka ay Jubbooyinka usoo magacaabeyso Jubbooyinka maxay tahay, hadii sidan ay Kenya kusii socoto waxaa kusoo xigta inay tiraahdo Safaarada waxaan ka furanaynaa Kismaayo, horta taasi maba dhihi karto Sababtoo ah Safaarada waa in laga furaa Caasimada Kismaayo, ma caasimadbaa”Ayuu yiri Xildhibaanka.

War Saxaafadeed laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa Qunsulka Kenya ee Jubbooyinka loogu soo magacaabay Hillary Kyengo, oo ka soo hawlgalay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Kenya.

Hillary Kyengo oo la soo magacaabay maalmo kahor, ayaa waxa uu Talaadadii gaaray Magaalada Kismaayo, markii ugu horeysay sida uu isaguba xaqiijiyay.

Xiriirka Kenya iyo Dowladda Soomaaliya ayaan aheyn mid wanaagsan, marka loo eego tan iyo wixii ka dambeeyay markii Dowladda Kenya ay xirtay Qunsulka Soomaaliya ee dalkaasi.

XAYD

Idale News Online.