Xuseen Idow oo ka mid ah xildhibaanada DFS ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook waxuu ku sheegay inuu aad uga xunyahay falkii lagu gubay Axmed Dowlo , waxuuna ka tacsiyeey falkaas isagoo ku baaqay in cadaalad la horkeeno dadkii ka dambeeyey weerarkaas bahalnimada ah .
Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo qoraalo baraha bulshada la soo dhigay lagu sheegay in xildhibaan Xuseen Iidow uu u doodayo in xabsiga laga sii daayey eedeysanayaasha ku eedeysan dilki Axmed Dowlo .
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo Maanta booqday Hoyga Qoyskii Axmed Dowlo ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay in ay jiraan Xildhibaano doonaya in damiin Xabsiga looga siidaayo dadkii ka dambeeyay dilkaas,balse dad xog-ogaal ayaa waxa ay sheegeen in dadka Xabsiga tegay uu ka mid ahaa Xildhibaan Xuseen Iidow taas oo keentay inuu ka jawaabo hadalkii Yariisow.
Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay sameyn doonaan sharci looga hortegayo arimaha heyb sooca si tacdiyada nuucaan ah looga hortago oo looga suuliyo bulshada .