Xaalad degenaan ayaa caawa laga soo sheegayaa deegaanka Geeda-Barkaan iyo Timire, halkaasoo maanta dagaal uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleeshiyo deegaanka, kadib markii saaka duleedka Jowhar lagu dilay ilaa afar ruux oo xoolo dhaqato ahaa.
Ciidamada dowladda oo ku baxay deegaankaas, si ay u soo qabtaan kooxo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii saaka ayaa la kulmay iska caabin culus, iyadoo dagaal qaatay saacado uu ku dhex maray Tuulada Timire.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ku bilowday markii jidka loo galay gaadiidka ay la socdeen ciidamada dowladda oo ku sii jeeda Geeda-Barkaan, halkaas uu dagaalka ku qabsaday.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, waxaana gelinkii dambe ee maanta meydka askari ka tirsan dowladda lagu arkay goobti dagaalka ka dhacay.
Xiisadaha u dhaxeeya labada beelood ee dega Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa sii xoogeysanaya, waxaana deegaano dhowr ah ka bilowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka oo ka cabsi qaba saameynta colaada ka jirta.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa dad careysan oo u badnaa Haween ay gubeen Tuulada Mayoongaale oo ah markii labaad, iyadoo dadkii deegaanka ay ka qaxeen, isla markaana deegaanka oo haawanayay ay dadkan gubeen aqaladii ku yiil.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dad ka cararay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Geeda-barkaan ay ku dhinteen wabiga, waxaana la hubin tirada dadka ku dhintay wabiga, iyagoo ka sii cararayay dagaalka.
Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku fashilmay wax ka qabashada colaad ka aloosan deegaanada hoos yimaada Jowhar, iyadoo habeen ka hor uu xabsiga u taxaabay odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda mid ka mid ah beel lagu eedeeyay inay ka dambeysay dil labo cisho ka hor ka dhacay Xaafada Horseed.
Tallaabada uu qaaday maamulka ayaa noqotay mid dad badan layaabeen, kadib markii bandaw maalin ah uu ku soo rogay Xaafada Horseed, waxaana uu saameyn uu ku yeeshay dadka deegaanka oo labadii maalmood wax soo iibsan, halka dadkii qutul yowmka ka raadsanayay suuqa lagu qasbay in aanay guryaha ka soo bixin, kaasoo loo arko go’aan aan xal keeni karin, colaadna aanay joojin karin, inuu dhib sii bato mooyee, waana go’aan caato ah oo muujineysa waayo aragnimo la’aanta ka muuqata Mas’uuliyiinta Gobolka.
Go’aan xumida Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sababtay in xaafad dhan dadkii dan yarta ahaa ee ka xoogsanayay suuqa wax dab ah aanay shidin maalinkii labaad.
Si kastaba ha ahaatee tallaabada uu qaaday Maamulka ayaa durba waxaa ka soo baxaya cambaareyn loo jeedinayo, taasoo ah in dadka intii ka hartay ee deegaanka ku sugnaa la cunaqabateeyay, isla markaana bandaw xanibay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka lagu soo rogay.