Xiisad u Dhexeyso Labo Maleeshiyo Beeleed oo Ka Taagan Magaalada Baladweyne

0
412

Baladweyne ( INO)-Waxaa Xiisad Colaadeed ay ka taagan tahay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii sida la sheegay ay soo buux dhaafiyeen xaafadaasi Maleeshiyo beeleed  hubeysan oo ka kala yimid gudaha iyo Daafaha Magaaladaasi.

Cismaan Max’ud Sharaawi oo ka mid ah waxgaradka Magaalada Baladweyne oo saaka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laga cabsi qabo halkaas dagaal culus in uu  ka qarxo waxaana uu Nabadoonku tilmaamay in maleeshiyo beeleedkani muddooyinkii dambe ay isku hub aruursanayeen islamarkaana ay ka dhex aloosneed Xurguf xoogan.

Nabadoon Cismaan Maxamuud ayaa xusay in in goobihii ganacsiga iyo isku socodkii iyo welib dhaq dhaqaaqyadii gaadiidka iyo dadweynaha ay shalay gelinkii dambe  hakad galeen Xaafadaasi Howlwadaag.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa isku dayaya in ay kala dhex galaan Maleeshiyadaasi xurguftu u dhexeyso sida Nabadoon Cismaan Maxamuud uu Shabelle u xaqiijiyay.

Maleeshiyaadka ay xiisada u dhexeyso ayaa horay dagaallo ay ugu dhexmareen Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Idale News Online,

Somali News Desk, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here