XFS oo u yeertay Safiirka Imaaraadka & Su’aalo la weydiiyay

0
165

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo ay ku muujineyso sida ay uga horjeedo heshiiska Dekadda Berbera ee dhowaan ka dhacay magaalada Abu dhabi iyo saldhiga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo magaalada Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, iyadoo laga dalbaday inuu caddeyn iyo faafhaahin ka bixiyo arrinta dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kula heshiisay Itoobiya iyo Saldhiga Milateri.

Safiirka Imaaraaka Maxamed Axmed Cusman Alhamadi ayaa looga yeeray maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waana tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca diblomaasiyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadato dalka Imaaraadka.

Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ayaa la sheegay inuusan weli saxiixin madaxweyne Farmaajo, iyadoo xeerka uu ka dalbanayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda inay go’aankaasi gaarsiiyo dowladda Imaaraadka.