MN(INO)-Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa maanta oo Jimco si rasi ah u joojiyey adeegyadii Xawaaladeed ee ay bulshada u qaban jireen kadib markii ay sheegeen iney soo xirmeen dhammaan qaababkii ay lacagaha ku diri jireen.
Xoghayaha ururka Xawaaladleyda Soomaaliyeed ee SUMSA C/risaaq Canshuur ayaa ku dhawaaqay iney dhammaan irdaha iskugu dhufteen adeegyadii Xawaaladaha maanta oo Jimco ah,wuxuuna sheegay iney arintani ka danbeysay kadib markii ay ku guul daraysteen dadaalo badan oo ay ku doonayeen iney kusii wadaan dirista lacagaha.
C/risaaq Canshuur ayaa sheegay iney albaab walba garaaceen si ay usii wadaan hawsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed balse wuxuuna shaaca ka qaaday in dhammaan dadaaladii ay sameeyeen ay waxba kasoo naasa caddaan waayeen.
Xoghayaha ururka Xawaaladleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay iney xiriiro badan la sameeyeen Sanatarada laga soo doorto gobolada Maraykanka ee ay Soomaalidu ku badan tahay si ay dowladda Maraykanka ugala hadlaan xal u helida xanibaada lagu soo rogay lacagihii Soomaalida Maraykanku ay u diri jireen eheladooda ku nool gudaha Soomaaliya.
Wuxuuna tilmaamay iney rajo wanaagsan ka qabaan kulan uu sheegay in Isbuuca soo socda lagu qaban doono magaalada Washington kaasoo uu sheegay iney ka qaybgalayaan in ka badan 13 Sanatar oo laga soo doorto gobolada dalka Maraykanka kulankaasoo looga doodayo sidii loo heli lahaa qaab nabad ah oo lacagaha Soomaalida loogu diri karo Soomaaliya.
Xoghayaha SUMSA ayaa sheegay iney filayaan in kulankaas ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah,wuxuuna hoosta ka xariiqay in bangiyada ay culeys saartay dowladda Maraykanka oo ka baqdin qabta in lacagaha loo diro Soomaaliya ay gacanta u galaan kooxo argagixiso ah.
C/risaaq ayaa dhanka kale mahad ballaaran u celiyey Imaamyada Masaajiddka dalka Marayka k yaal oo uu sheegay iney kala qaybgaleen ololaha dowladda Maraykanka looga dalbanayo iney sii shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida,wuxuuna intaa ku daray iney abaabulayaan bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka si arintani cod midaysan looga yeesho.
Idale News Online, MN, USA.