Xasan Sheikh ma maamuli karo dhowr qof oo hal qol la isugu geeyay xitaa

0
203

Muqdisho(INO)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaayay arrimo dhowr ah ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay faraha kasii baxeyso tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in Somalia ay soo martay wakhtiyo isugu jira aftiin iyo mugdi, balse Madaxweynaha iminka haya talada dalka uu yahay mid ka caagan Siyaasada lagu kobcin lahaa Hanaanka dalka Somalia.

Xasan Sheekh ayuu ku sifeeyay Madaxweyne Jahwareer kala kulmay Mas’uuliyiintii la daadihin laheyd Siyaasada, waxa uuna carabka ku dhuftay in aragti ahaan Madaxweyne Xasan uusan maamuli karin dhowr qof oo hal qol leysugu geeyay.

“Adeer Somalia wakhtigeeda ayay horay usoo qaadatay ma filaayo in Xasan Sheekh wakhtiga u harsan uu dhibaatada ka samata bixin karo dalka Somalia, waayo waxa uusan maamuli karin tiro dad ah oo leysugu geeyay hal qol”.

Guddoomiyuhu waxa uu meesha ka saaray in Madaxweyne Xasan uu Taariikh lagu xasuusto uga tagi karo Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dalka Somalia uu alle un u maqan yahay.

Waxa uu sheegay in tusaalaha ugu dhow uu usoo qaadan karo ka weecashada qodobada kasoo baxay kulamadii dhowrka ahaa ee dhexmaray DF iyo Mamaulka Somaliland,isagoona amaan u soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo dhabar adeeg muujiyay inta uu xilka hayay.

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here