Xasan Sheekh”Baarlamaanka iyo Xukuumadu Waa inay Dadajiyaan Hawlaha Qaranka”

0
263

Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ku boorriyay Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka, sida Baarlamaanka iyo Xukuumaddu inay dardar-geliyaan hawlaha ay Qaranka u hayaan.

Madaxweynaha_Somalia_Xasan_Sheekh_Mooshin_660

Qoraal Xaley kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayuu Xasan Sheekh wuxuu ku sheegay in uu Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqayo inay Kordhiso ka Warqabka Wax-qabadyada Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Somalia iyo Hay’adaha hoos-yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

“Waajibaad ayaa ina wada-saaran, kaasoo ku saleysan inaan si hufan ugu Wada adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka oo ah Hay’adda sharci-dejintu dalka inuu fududeeyo dhameystirka sharciyada aasaaska u ah hannaanka dowladnimada. Shuruucdaas oo ay ka mid yihiin – ka hortagga Musuq-maasuqa, maal-gelinta shisheeye, isgaarsiinta iyo Qandaraasyada. kuwaasoo saldhig u ah hirgelinta nidaam hufan oo isla-xisaabtan ku saleysan,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sdioo kale, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in iyadoo laga duulayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuuray gudiga Maamulka Maaliyada oo ay kuwada jiraan xubno ka kala socda dowladda FS, Hay’adaha Caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaasoo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey habka Maamulka maaliyadda ee Dalka.

“Waxaan Xukuumadda Somalia farayaa in la Dar-dar-geliyo Hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista Gudigan ku sameynayo qandaraasyada Dowladdu ay bixisay, iyadoo la Raacayo Nidaamka iyo Sharciga Dalka u yaalla, Heshiiskii aan buuxin shuruudahaasna la mariyo sida sharcigu uu dhigayo,’’ ayuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyay mar kale.

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Dowlad-dhisiddu uu yahay Garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamaanku uu si dhaqso leh u Meel-mariyo dhameystirka shuruucda & dhismaha hay’adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay Warbaahintu inay Door Wadanninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta warar horseedi kara amni-darro & tafaraaruq shacabka soo dhex-gala.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa si Gaar ah u Bogaadiyay Shacabka Soomaaliyeed oo Mar Walba ka Damqada Dhibaatada Dalkooda uu ku jiro, isla markaana Gacan ka Geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here