Baydhabo ( INOk)-Maamulka Koofur Galbeed Soomaalia oo ah Maamulka ugu xildhibaanada badan heer Federaal ayaa waxaa ka soconaya dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayo in musharaxkastaa uu sameyn ku yeesho soo xulida xildhibaanadaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u tartamaya xilka Madaxweynanimo in uu markale ku soo laabto ayaa Baydhabo ku sugan halkaasi oo uu kawado dhaq-dhaqaaq u muuqda Olole doorasho.
Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku yeelan doonta Barlamanka Federaalka 69 xildhibaan oo lagu soo xuli doono sida ay u badan tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulkaasi.
Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ah xildhibaan ka tirsan barlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadan uu Baydhabo kawado Olole uu ku doonayo in uu saameeyn ku yeesho xildhibaanada iyo Ergado la xulayo ee wax dooran doonta.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaa ku daran in waxa ka socda Baydhabo ay tahay wax lagu tilmaami karo Olole qar iska tuur ah.
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa dhanka kale tilmaamay in kulamada iyo shirarka ka dhacay Baydhabo qarashka ku baxaya uu bixinayo Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu dadka xildhibaan doonka ah uu siinayo dhaqaalo ay ku iibsadan Ergada wax dooran doonta iyo dhaqanka soo xulaya.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in lacagta codka lagu raadinayo ee Baydhabo la geeyay ay tahay lacagtii umadda Soomaaliyeed ay laheyd oo lagu fushanayo dano gaar ah.
Wax u muuqda dhaq-dhaqaaq doorasho ayaa hada ka curanaya gobolada dalka, laakiin wali Guuxa dadweynaha iyo siyaasiyiinta ka imaanaya ayaa mujinaya niyadjab ku aadan in mar 4aad ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya.