Muqdisho(INO)-Wararka ka imaanaya Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ku gacanseeray la kulanka Tiro Xildhibaano ka tirsanaa BF Somalia.
Xildhibaanada oo u badnaa kuwa kasoo jeeda beelaha Hawiye ayaa doonaayay in Madaxweynaha ay kala hadlaan Maamulka loo dhisaayo Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweynaha ayaa ka caga jiidaya in arrinta maamulkaasi uu kala xaajoodo Xildhibaanada BF Somalia oo intooda badan kasoo horjeeda qaab dhismeedka Maamulka la doonaayo in laga hirgaliyo Galgaduud iyo Mudug.
Xildhibaanada oo taasi siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in muran uu Madaxweynaha dalka galsho masiirka Umada Soomaaliyeed, waxa ayna wacad ku mareen inay eegan doonaan doldoleelada dhismaha Maamulkaasi.
Dhanka kale, waxa ay tilmaameen in Ujeedka Xassan Sheekh uu yahay in Maamulkaasi lagu dhiso aragtida Dowlada Ethiopia balse taasi aysan socon doonin.
Idale News Online, Muqdisho.