Daawo: Xasan Sheekh Oo Ku Baaqay In Kaalin Laga Qaato Dhismaha Akadeemiyada Afka Maxaatriga

0
212

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay furitaanka xarunta Akadeemiyad Goboleedka Afka hooyo oo shalay la dhagax dhigay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

MADAXWAYNE-XASAN
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dhismaha xaruntaasi iyo sidii loo dhaqan geli lahaa ku hadalka afka Soomaaliga oo inta badan la sheego inuu sii yaraanayo adeegsigiisa.
Xasan Sheikh, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya dhankeeda ay doorweyn ka ciyaareyso sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha akadeemiyad goboleedka afka Hooyo ee magaalada Muqdisho, laakiin shacabka dhankooda looga baahan yahay inay door ka ciyaaraan.
Maalintii shalay waxaa xarunta akadeemiyad goboleedka afka hooyo dhagax dhigay si wadajir ah madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here