Xasan Sheekh oo kordhiyey Qiimaha Codadka Xildhibaanada

0
200

Muqdisho(INO)-Ololaha doorashada Soomaaliya ayaa si xoogan ugu socda gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin musharaxiinta ugu badan.

Ku dhawaad 18 Musharax ayaa sheegay iney utaagan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo qaar badan oo kuwaas kamid ah la filayo iney ka laabtaan go’aanada ay isku soo sharaxeen.

Si kastaba, madaxweynaha haatan xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa lasoo sheegayaa inuu dar dar geliyay olalahiisa doorashada.

Shabakada Wararka IdaleNews.com ayaa ogaaneysa in Xasan Sh Maxamuud iyo kooxdiisa Damu-jadiid ay kordhiyeen lacagta ay siinayaan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya si ay codadkooda uhelaan.

IMISA LACAG AH AYUU BIXIN DOONAA XASAN SHEEKH

Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lacago badan udiyaarsaday iney codad ka helaan xildhibaanada Soomaaliya.

Lacagta lagu kala iibsanayo Codadka Xildhibaanada ayaa la filayaa inay gaarto ilaa 300 oo kun waxana Qiimihii ugu dambeeyey uu ahaa 150 kun oo Dollar.

Hase ahaatee Wararka kusoo dhacaya Warqabadkeena Muqdisho ayaa sheegaya in musharax Xasan Sh Maxamuud uu kordhiyay lacagtii xildhibaanada uu codadka uga heli lahaa, isagoona gaarsiiyey halkii cod 200 oo kun oo Dollar.

Waa cadadkii ugu badnaa ee hal cod lagu helo, iyadoo kooxda Damu-jadiid ay dagaal xoogan ugu jirto iney lacago waali ah ku iibsadaan codadka xildhibaanada.

ARIMAHA UQARSOON MUSHARAX XASAN SH

Musharax Xasan Sh Maxamuud ayaa kaliya aan lacag u isticmaali doonin helida codadka xildhibaanada ee waxaa jira xildhibaano isaga si weyn utaageersan.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ay kawada tirsan yihiin kooxda Damu-jadiid isagoo garab ku siiyay iney kusoo baxaan tartankii ay kuraastooda usoo galeen.

Sidoo kale musharax Xasan Sh ayaa la ogaanayaa inuu isbahaysiyo la sameynayo qaar kamid ah musharaxiinta ugu macquulsan kuwa ilaa haatan utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

TAAGEERADA DOWLADA ITOOBIYA

Dowlada Itoobiya ayaa dhanka kale dabada ka riixeysa in musharax Xasan Sheekh uu kusoo baxo doorashada Soomaaliya sanadaha kale ee soo aadan.

Itoobiya oo saraakiil ay ka joogaan Muqdisho ayaa la rumeysan yahay iney xildhibaanada Soomaaliya ku qasbayaan iney codkooda siiyaan Xasan Sheekh.

Ololaha doorashada Soomaaliya ayaa si xoogan ugu socda gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin musharaxiinta ugu badan.

Ku dhawaad 18 Musharax ayaa sheegay iney utaagan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo qaar badan oo kuwaas kamid ah la filayo iney ka laabtaan go’aanada ay isku soo sharaxeen.

Si kastaba, madaxweynaha haatan xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh ayaa lasoo sheegayaa inuu dar dar geliyay olalahiisa doorashada.

Shabakada Wararka IdaleNews.com ayaa ogaaneysa in Xasan Sh Maxamuud iyo kooxdiisa Damu-jadiid ay kordhiyeen lacagta ay siinayaan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya si ay codadkooda uhelaan.

IMISA LACAG AH AYUU BIXIN DOONAA XASAN SH

Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lacago badan udiyaarsaday iney codad ka helaan xildhibaanada Soomaaliya.

Lacagta lagu kala iibsanayo Codadka Xildhibaanada ayaa la filayaa inay gaarto ilaa 300 oo kun waxana Qiimihii ugu dambeeyey uu ahaa 150 kun oo Dollar.

Hase ahaatee Wararka kusoo dhacaya Warqabadkeena Muqdisho ayaa sheegaya in musharax Xasan Sh Maxamuud uu kordhiyay lacagtii xildhibaanada uu codadka uga heli lahaa, isagoona gaarsiiyey halkii cod 200 oo kun oo Dollar.

Waa cadadkii ugu badnaa ee hal cod lagu helo, iyadoo kooxda Damu-jadiid ay dagaal xoogan ugu jirto iney lacago waali ah ku iibsadaan codadka xildhibaanada.

ARIMAHA UQARSOON MUSHARAX XASAN SH

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaliya aan lacag u isticmaali doonin helida codadka xildhibaanada ee waxaa jira xildhibaano isaga si weyn utaageersan.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ay kawada tirsan yihiin kooxda Damu-jadiid isagoo garab ku siiyay iney kusoo baxaan tartankii ay kuraastooda usoo galeen.

Sidoo kale musharax Xasan Sheekh ayaa la ogaanayaa inuu isbahaysiyo la sameynayo qaar kamid ah musharaxiinta ugu macquulsan kuwa ilaa haatan utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.