Xasan Sheekh oo 4 shuruud oo adag ay beesha Ceyr hordhigtay si ay u aqbalaan qorshihiisa

0
194

Muqdisho(INO)-Idale News Online, ayaa ogaatay in waxgaradka Beesha Ceyr ay hordhigeen madaxweynaha Soomaaliya

xasan

shan qodob oo looga baahan yahay inuu saxiixo si ay u aqbalaan qorshihiisa.

Madaxweynaha ayaa doonaya in siyaasiyiinta beeshaasi ay aqbalaan qorshihiisa ah in shirka loo raro Cadaado, si halkaas loogu doorto musharaxa Damu-Jadiid Cabdkariin Guuleed.

Si kastaba qorshahaas ayaa waxaa hadda horyaalla afar shardi oo ka yimid beesha Ceyr oo kala ah:-

1 – In caasimada maamulka gobolada dhexe tahay Dhuusomareeb.

2 – In madaxweynaha lagu doorto Cadaado uu horay ka imaanayo Dhuusomareeb si uu ugu shaqeeyo.

3 – In Ahlu Sunna iyo dowlada ay hishiis buuxa kala saxiixdeen oo Ahlu Sunna laga qeyb galiyo maamulka la dhisayo.

4 – In dowlada ay siideyso Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo beeshaas kasoo jeeda una xiran DF.

Qodobadaasi markii la saxiixo ayay sheegeen siyaasiyiinta Ceyr inay u dhaqaaqi doonaan Cadaado. Lama yaqaan waxa uu madaxweynaha ka yeeli doono arrintan.

Idale News Online, Muqdisho.