Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xaadiray Fadhiga Baarlamaanka

0
230

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, inta noloshiisa ka dhiman ayaa maanta xaadiray Fadhiga Baarlamaanka ee xarunta Golaha Shacabka, kaasoo ay ka soo qeyb galeen 178 Xildhibaan.

Fadhiga maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa dooda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada ka doodayeen wax ka bedelka.

Waxaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Baarlamaanka, oo lagu soo gabagabeyn doono doodo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada ka lahaayeen wax ka bedelka Xeer Hoosaadka.

Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhamaadkii bishii August, kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa, markii looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo uu ugu weynaa dhismaha Xisbi ay ku bahoobeen siyaasiyiin horay u mucaaradsanaa xilligii uu talada dalka hayay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo 4-tii bishii 3aad 2017-dii loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tirada Baarlamaanka ku noqonaya 276aad, maadaama uu yahay Xildhibaan Abadiya ah, sida uu qabo Dastuurka.

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1)         Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2)         Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa 225.

(3)         Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4)         Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.