Xarumo Al-shabaab Ku Lahaayeen Gobolka Gedo Oo Dhulka Lagu Daray

0
307

Gedo(INO)-Taliska Ciidanka Difaaca Kenya, ayaa waxay sheegeen inay maanta duqeymo culus ku garaaceen laba Xarumo, oo Ururka Al Shabaab ku lee yihiin duleedyada Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Duqeymahan, ayaa waxay sheegeen inay ka kala dhaceen deegaanada Gadoon-dhawe iyo Ismaaciil, halkaasoo ay tilmaameen in Xarumo ku yaala, ay ku sugnaayen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya David Obonyo, ayaa ku faanay in duqeymahaasi ay waxyeelo buuran ka soo gaartay Ururka Al Shabaab, balse maanu kala cadayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Afhayeenka oo u waramay AFP, ayaa ku goodiyay inay kordhin doonaan duqeymaha ka soconaaya Gobolka Gedo, ee ka dhanka ah goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolkaasi.

Kenya

Dhanka kale wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayan in duqeymihii maanta ay waxyeelada ugu buuran ka soo gaartay xoolaha nool, isla-markaana aan weli la arkin Shabaab ay waxyeelo ka soo gaartay.

Shacabka ku dhaqan Degmada Baardheere, ayaa ka walwalsan in weeraro xagga cirka ah ee Degmadaasi ka geysato Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Sabtidii ku cago jugleeyay in Kenya ay jawaab kulul ka bixin doonto weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee Khamiistii ka dhacay Jaamacadda Magaalada Garissa.

Idale News Online, Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here