Nairobi(INO)-Mar walba oo la soo hadal qaado wax barashada soomaliya gaar ahaan tan jaamacadaha, waxaa caado noqotay in lala soo boodo meesha wax ma yaalaan, tayyo ma lahan, macalimiin wax taaqaan wax kama dhigaan iyo ceebo kale oo badan. Inta waxa dheer in aad u aaminsanyihiin dadka soomaaliyeed in macalmiinta jamacadaha soomaliya wax ka dhigto, gaar ahaan kuwa wax ku bartay wadanka dhexdiisa ay haystaan shaaadooyin been ah oo qaab musuqmaasuq ah ay ku qaateen. Halka loo arko macalmiinta Afriacan ka ah gaar ahaan kuwa Kiinyaan ka ah inay yihiin dad aqoon sare leh, wax barashadana uso maray dhib iyo rafaad.
Sidaa darteed waxaan is tusay inan xaqiiqda jirto u cadeeyo dadka soomaaliyeed ee ah in maskaxda nagala qabsadaye aysan jirin wax dadka kale na dheer yihiin. Tusaale ahaan, inta badan macalimiinta soomaliya shaqada uso doonato ee inta badan wax ka dhiga dugsiyada aasaasiga ah waxay ka yimaadaan waqooyi bari Kenya ee gobolka soomalida. Gobalkan ayaa caan ku ah wax barasho la’aan inta badana aduunku u arkaa inuusan ka tirsanayn dalka Kenya marka la eego xaga horumarka. Kaalinta aqriska iyo qoraalka (literacy rate), 8% kaliya ayaa wax qoro dadka dagan gobolkaas marki loo eego kor meer la sameeyay 2006. Intaas waxaa dheer inay dugsiyada ku yaalo yihiin kuwa aad u tayyo hooseeyo, Kenyana ooga diiwaan gashan inay yihiin dugsiyo aan ardo soo saari Karin taasoo sababto inay ridaan arada ku baasto buundooyin sare ee kaso baxo dugsiyadaas.
Kaaga sii darane kuwa soomaliya aado waa kuwa waayo meel kale oo ay cuskadaan oo ama wax barsho ah ama shaqo ah sababo la xariiro aqoon hoosayn iyo xirfad la’aan. Waxa la dhihi karaa 99% macalimiinta ka timaado gobolkaan, ee soomaliya aado waa kuwo ku dhaco imtixaanka dugsiga sare.
Arinta la xariita shahaadooyinka bugta ah iyo imtixaanka la qisho ama la isgu galo maahan mid ku kooban dalka soomaliya ee waa mid ku baahsan inta badan qaarada Africa, kiinyana ugu daran tahay. Sida ay qortay jariirada Daily Nation ee kaso baxdo dalka kiinya sanadki 2013, waraaqaha imtixaadka jamaacadaha ee loogu talo galay ardada samaynayso heerka kowaad ee wax barashada sare (degree) ayaa ah kuwo suuqa yaalo. Intaas waxa dheer inay jiraan dad dukaamo u furtay inay ardada u qoraan buuga qalin jabinta oo ah kan ugu muhiimsan imtixaanaadka jaamacadaha. Jariirada aya qortay inay shirkadaha wax shaqaalaysiiyo ay ka cabaadeen dad shaqo doon ah oo wato shahaadooyin sar sare hadana marki imtixaan yar laga qaado ku dhacayo taasoo cadayn buuxdo u noqotay inay shahaadada musuqmaasuq kuso qaateen. Soomaliya cidna imitixaan kama qaado dadkaan shaqo doonka ah balse waxaa ku filan oo lagu kal soonaadaa shahaadooyinkooda.
War gayska Daily Nation aya sidoo kale sheegay inay Nairobi kaliya ka furan yihiin in badan 60 xarumood oo ardada buuga teesaha loogu qoro kuso qiimo jaban oo ay cid walbo awoodo ku qabto shaqada, qiimahaas u dhaxeeyo KSH2000 ilaa KSH14000 oo ugu dhiganto ugu badnaan $150. Macnaha waxa weeye inad ku baasto degree ga waxa ka xigto $150. Kuma koobna arintaaan degree ga oo kaliya ee dhamaan shahaadooyinka kale sida PHD da waa la mid.
Sidoo kale dalka Uganda aya laga soo tabiyay arimo nocaan oo kale. Tusaale, sanadki 2012 gudiga wax barashada sare ee Uganda ayaa amar ku siiyay jaamacada Kampla International University inay dib u dhigto 42 arday oo ay siin lahayd shahaadada PHD ka marki looga shakiyay inay been been ku qaateen. Inta aan la fahmin ayaana aad ooga badan oo sidaas ku qaadato shahaado aysan aqoonteeda lahayn.
Inkastoo ay jirto inu nidaamki wax barasho ee soomaaliya uu dhaawac gaaray, tayyo xumo iyo dayacnaan badana ay jirto, hadana xaalku uma xumo sidaan u aragno. In badana nama dhaamaan kuwa aan ku bixino lacago badan anagoo ka cararnay kuweena oo ka qiimo jaban kana daacadsan. Ugu danbayn waxan leeyahay Allaha na tusso waxaan haysano iyo wanaaga macalimiinteena.
Idale News Online, Nairovbi.