Afgooye (INO) – Afgooye oo ah dagmo 30 km u jirta caasimada Somalia ee Muqdisho, waxaa ay maalin walba gacanta u gashaa xoogaga Al Shabaab ama qolo laga yaabo iney Shabaabka garab ka helaan oo hab beeleed u abaabulan.
Waxaa ay noqotay meesha ugu badan ee qaraxyo iyo weeraro xoogan ay ka dhacaan tan iyo markii Shabaabka laga saaray inta badan koonfurta iyo bartamaha Somalia. Shalay ayaa ugu dambeysay oo Al-Shabaab ay saacado kooban kula wareegtay magaaladda.
Dadka oo dhan waxaa ay is weydiinayaan sababta ay dowladda u maareyn la’adahay amniga dagmada Afgooye, waxaana ay shaki la’aan kuu muujineysa in Shabaabku aaney caasimada Muqdisho ka fogeyn ciidan ahaan.
Sidoo kale ciidamo taabacsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhinac ka jooga magaaladda Afgooye.
“Sababta Afgooye mar walba loo qabsado “
Cida maalin walba soo weerarta Afgooye ayey dadka qaar shaki ka qabaan dhab ahaanshahooda iney yihiin Al Shabaab sax ah, waxaana taasi u sabab ah iney abuurmeen kooxo hubeysan tan iyo markii gudoomiyaha dagmada loo magacaabay Cabdinaasir Ibraahim Caalimoow.
Kooxdan hubeysan ayaa la aaminsan yahay iney taageersan yihiin gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdiqani Yuusuf Axmed kaas oo si xoog ah xilka looga qaaday, tan iyo waqtigaas xaalada dagmadu ma aheyn mid dagan.
Laakiin dadka magaaladda Afgooye qaar oo aan la xiriirnay ayaa aaminsan in xaalada Afgooye ay uga sii dareen isku dhacyada beelaha Habar-Gidir iyo Biyamaal iyo Galadi oo isku dhinac ah.
Ciidamada Dowladda ee jooga kontaroolka Baar Ismaaciil iyo dhanka Buundada aad uma jecla dadka deegaanka, sababtoo ah waxa ay aaminsan yihiin iney yihiin ciidamo beeleed lasoo dul dajiyay magaalada oo hal beel ah.
In hadalka dadkani uu run yahay waxaa kuu fasiri kartaa in askarta ku dhimata xili walba oo Afgooye lasoo weeraro iney inta ugu badnaan hal-beel yihiin.
Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay iney ka faa’iideysatay beelahaas careysan iyo ciidamada taabacsan gudoomiyihii xilka awooda looga qaaday, waxaana ay taasi u sahashay iney magaalada dhinaca ka joogaan iyo iney qabsadaan waqtiyada qaar, qaraxyaduna waa halkooda.
“Xalka Arrinta Afgooye“
Sida ay qabaan dadka deegaanku, dowladda Somalia waxaa la gudboon in ciidamo dhowr beelood ka kooban oo isku dhaf ah iney geeyso Afgooye. Sidoo kale in Gogol nabadeed loo dhigo beelaha dirirsan waxaa ay ka mid tahay waxyaabaha ay ku baaqayaan dadka magaaladda si dhibaatadu u joogsato.
Sidoo kale baaqyada xalka dagmada Afgooye waxaa ka mid ah in dib loogu laabto magacaabista gudoomiyaha dagmada kaas oo u muuqda mid aaney shacabku badi raali ka aheyn marka loo fiiriyo ninkii kursiga looga qaaday.