AC Milan ayaa weli xiiseyneysa inay la soo wareegto xilli ciyaareedka soo socda Juan Cuadrado inkastoo uu Antonio Conte ku adkeysanayo inuu ciyaaryahanka sii joogayo Chelsea, sida ay ogaatay shabakada caalamiga ah ee Goal.
Xiddigii hore ee Fiorentina ayaa ah nin si weyn looga yaqaano Talyaaniga isagoo amaah lagu najaxay ku joogay Juventus xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu wadada u saaran yahay inuu ka horyimaado maanta kooxda AC Milan kulan ka mid ah koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup.
28 jirkaan ayaa wajahaya inuu tartan u galo booskiisa kooxda Chelsea isagoo la tartamaya Willian oo ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka Chelsea, Pedro iyo Eden Hazard, Conte ayaana ka warqaba inuu yahay ciyaaryahan soo jiidanaya kooxo badan.
“Juan Cuadrado waa ciyaaryahanka Chelsea ah sida aan ka iri Diego Costa” ayuu yiri Conte. “Waxa uu u shaqeeyay si adag, waxaana uu si adag u qaadanayaa tababarka. Cid walba ayaa og fekerka aan isaga ka heysto, cid walba ayaana garaneysa inuu yahay ciyaaryahan fiican oo xiiso badan ku leh suuqa kala iibsiga.
“Haatan waa ciyaaryahan Chelsea ah waana uu ku faraxsan yahay. Haddii aad i weydiisid waxa dhici doona mustaqbalka, kama jawaabi karo waxa ku dhici doona Juan Cuadrado ama ciyaartoyda kale.”