Xaliimo Yarey”Waxaan jecelnahay in Howsha naloo xil-saaray aan u Gudano si Cad oo Hufan”

0
299

Muqdisho(INO) — Gudoomiyaha gudiga madaxa-banaan ee doorashada Qaranka, Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo-yare) ayaa markii ugu Horreysay tan iyo markii xilka loo doortay sheegtay inay ka go’an tahay inay howshooda u gutaan si karti iyo hufnaani ay ku jirto.

Xalimo

Xaliimo-yarey ayaa intaas ku dartay inay ka shaqeyn doonaan sidii Somalia ay uga dhici lahayd doorasho, isla markaana ay wada-shaqeyn ka sugayaan maamullada dalka ka jira si hawshoodu ay u noqoto mid sida la doonayo u hirgasha.

“Hay’addan waa mid madax-bannaan, kuna shaqeyn doonta sida uu Dartuurka dalka u yaalla Qabo. Sharciga Guddigeenanna wuxuu baarlamaanku ogolaaday bishii Feberaayo ee Sannadkan,” ayay tiri Xaliimo-yare.

Guddigan ayaa xubnihiisu waxay ka kooban yihiin sagaal xubnood kuwaasoo kala ah; Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo-Yarey), Sayid Cali Sheekh, Xuseen Cabdi Aadan, Maxamed Daahir Maxamuud, C/raxmaan Cusmaan Dirir, Maxamed Xasan Tani, Maxamed Axmed Nuur, Khadiijo Cosoble Cali iyo Saciid Xaashi Warsame,

”Inkastoo dastuurka lagu sheegay inaan madax-banaan-nahay haddana waxaan Aqoonsan-nahay si aan waajibkeena u Gudunno inaan ka faa’ideysano taageerada iyo wada-shaqeynta dadka doorashada ku lugta leh,” ayay Xaliimo-yarey tiri, iyadoo intaas ku dartay. “Marka aan shaqadeena billaabayno waxaanu jecel nahay inaan la tashano xubnaha ku shaqada leh howsheena sida Ururrada Siyaasadeed, kuwa Bulshada Rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo weliba Maamul-Goboleedyada,”

Ugu dambeyn, hadalka Haweeneydan ayaa imaanaya xilli dhawaan ay si cad u shaaciyeen madaxda dalka inaysan dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro Sannadka soo socda ee 2016-ka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here