Xafladdii Qalin Jabinta Ardeyda Soomaaliyeed ee Wax ku barata Waqooyiga Suudaan

0
210

 

Kuliyadaha kala duwan ee dalka Suudaan oo ay wax ku bartaan ardey Soomaaliyeed oo  aad tiro badan, ayaa waxaa sanad kastaa ka qalin jibiya ardey ugu yaraan 300 ilaa 400 oo ardey sanadkiiba, taasoo runtii ah guul weyn oo u soo hoyatey jiilka Soomaalida ee Mustaqbalka.  Ardeydaas oo inta badan ka kala yimid guud ahaa dalka Soomaaliya, iyo maamulada kale ee Soomalyeed sida Somaliland, Kilinka 5aad ee Somalia iyo Gobollada Waqooyi Bari ee Kenya.

Dhowaan ayaa waxaa xaflad balaaaran oo aad qurux badan oo qalin jabin ah  ay ka dhacdey  Koonfur Bari Khartoum, xafladaasi qalin jibinta oo ay ka soo qeyb galeen kumaan ardey  oo dalal kala duwan ka kala yimid, waxaase sanadkaan xusid mudan in ay xafladaasi qalin jibinta ay ka qeyb ahaayeen ardey  aad u tiro badan oo Soomaali ah.

Xafladaan oo sanadkiiba laba jeer la qabto ayaa waxaa la dhihi karaa sanadkaan aad ayey uga duwneyd qaabka agaasinka iyo ka soo qeybgalka xaflada guud ahaan marka la barbar dhigo sanadihii hore. Xafladaan oo ahayd xaflad ciideed ayaa waxaa shahaado sharaf lagu gudoon siiyay arday sanadkaan dhameysatey waxbarashadoodi oo isugu jira kuliyada kala duwan ee waxbarashada iyo arday ka gashay kaalmaha koowaad jamacadaha Waqooyiga Sudan,

Xafiiska Warqabadka Idale News Kharytou, Waqooyiga Suudaan