Xaflad Lagu Taageerayay Ansixintii Iyo Calan Saarkii Dowlad Gobeedka Koonfur Galbeed State Oo lagu qabtey Minneapolis ee Dalka Mareykanka+ Daawo Sawirada.

0
187

MN;Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayay guulaha uu ku talaabsaday Shirweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, laguna canbaareeyay ishortaagii fashilmay ee AMISOM ay ku sameysay shirweynaha ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee magaalada Minneapolis ayaa isku soo dubariday xafladaan oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan Shacabweynaha K/galbeed.

Xafladaan oo goordhow soo idlaatay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuulinyin tiro badan oo ka kala socday beelaha wada dega gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo halkaa laga arkayay Team ku lebisan fanaanado laga sameeyay Calanka cusub ee K/galbeed.

Waxaa halkaa hadalo kasoo jeediyay mas’uuliyiintii kasoo qayb galay xafladaa, dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay waxaa hadaladoodi u badnaayeen Amaan ay u jeedinayeen Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta xilka weyn iska saaray badbaadada Shacabweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khudbado waano iyo wacyi gelin isugu jiray kadib waxaa halkaa heeso ka turjumayay wadaniyad kusoo bandhigay Fanaanka weyn Axmed Gaashaanle oo loo yaqaano (Axmed Yare) oo ah fanaanka loogu jecelyahay dalkaan Mareykanka.

Qaar kamid ah Mas’uuliyiintii Xafladaan kasoo qeybgalay ayaa waxay ka kala yimaadeen Gobolada iyo Magaalooyinka dalka Mareykanka, Sida St.louis Missouri,North Dakota, Kentucky, Marshals, Mankato, St.Beter, Fargo, Rochester, Faribault iyo Owatonna.

Xafladaan sida aadka ah loola dhacay ayaa waxaa isku dubaridkeeda lahaa Dr. Cumar Cali Maxamed oo ku magaca dheer (Cumar Biikole) oo had iyo jeer u taagan Qadiyada Shacabweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Xaflada ayaa waxaa Khadka Telefoonka uga qeybqaatay Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Hogaaminta Shirweynaha K/galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo dadweynihii kasoo qeybgalay Xaflada uga warbixiyay meesha uu marayo Shirka lagu dhisayo Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed.Mudaadin reer KGsJKG SOMjkgsom1JKG som2