Xaflad Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa September 16keeda

0
240

Kulan xalay ay wada qaateen Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu go’aamiye xiliga ay dhaceyso xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub. Prof Maxamed Osmaan Jawaari oo shirkaas ka dib war kooban siiyey saxaafada  ayaa sheegay in xil wareejinta iyo munaasabada caleemo saarka ahna la qabto taariihdu marka ay tahay 16-ka bishan oo ku beegan maalinta axada ah ee socota.

”Ka sokow xaflada caleemo saarka ee dhaceysa 16-ka bishan waxaa jira labo guddi oo ay kala magacaabeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore kuwaasoo si wadajir ah uga shaqeynaya kala wareejinta awooda dalka, anaguna haddii aan nahay gudoonka baarlamanka waan ku kormeereynaa arintaas” ayuu intaa ku daray Prof. Jawaari.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa kulan la qaatay maanta danjiraha dowlada Turkiga u fadhiya Somalia, iyagoo ka wada hadlay isbedelka ka dhacay dalka, gaar ahaan hogaanka sare ee dowlada Somalia, waxaana safiirka turkiiga uu balan qaaday in dowladiisu ay soo kordhineyso taageerada ay siiso dowlada Somalia

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com