Xaflad si aad u weyn loo soo agaasimay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis Gobolka Minnasota. Xafladaan ayaa waxaa lagu qabtay halka loo yaqaano minneapolis convation center, waxaan soo qaban qaabiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Minnasota.
Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Minneapolis ayaa munaasabadaan waxay ku taageerayeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaana munaasabadaan ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo waliba dad kale oo badan.
Dhawaan filo Video dhameystiran xafladaas ku saabsan halkaan (Idale News)
Xafiiska Warqabadka Idale News Minneapolis