War goordhow ku soo dhacay xafiiska Caasimada Online ee Nairobi ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay ay sheegtay in afar ka mid ah ilaalashada shaqaalahooda ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay afaafka horre ee garoonka caalamiga ee diyaaradaha Muqdisho.
War qoraal ah ah oo ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay in wax ka shaqaalahooda aaney wax ka soo gaarin qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cambaareysay weerarrkaas.
Dhinaca kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in kolanyada la weerarray ay la socotay haweeneyda madaxda u ah hey’adda UNHCR ee Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa mar sii horreysay sheegatay mas’uuliyada weerarrka maanta lagu qaaday kolanyada ay la socdeen shaqaalaha QM hey’addeeda u qaabilsan arrimaha qoxootiga