Muqdisho(INO)- Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in la jabsaday xafiiskiisa oo ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) iyo Taliska AMISOM oo adeegsanaya Eeyaha u tababaran Raad-raaca iyo urinta ayaa la sheegaay inay saaka bilaabeen baaritaan sidii lagu ogaan lahaa cidii jabsatay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Ilaa 25 feyl iyo Computerkii gaarka ahaa ee uu ku shaqeynayey hanti dhowrka guud oo macluumaad muhiim ah ku keydsanaa ayaa la sheegay in lagala baxay xafiiskiisa.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dokumentiska la qaatay ay ku jireen qaar hanti dhowrka Qaranku ka diyaariyey heyaddaha dowlada ee musuqmaasuqa ku kacay.
Saraakiisha Ammaanka ayaa rumeysan in shaqsiyaad ku sugan gudaha xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya inay ka dambeeyaan falkan xatooyadda ah, maadaama dad banaanka ka yimid aysan suuragal u aheyn iney soo galaan madaxtooyada falkaasina ku kacaan.
Saraakiisha ayaa su’aallo weydiinaya qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Hawlwadeenadda ka hawlgala dhismaha Wasaaaradda Maaliyadda ay ku leedahay gudaha xarunta madaxtooyada.