Sanca(INO)- Xabbad joojin 72 saacadood ah ayaa ka dhaqan gashey dalka Yemen oo labadii sano ee u danbeysey dagaalo ragaadiyeen.
Maalintii Axadda ayaa dalalka Ingriiska iyo Maraykanku ka soo shaqeeyeen xabbad joojin aan shuruud lagu xirin oo deg-deg ah, kadib markii diyaaradaha Sucuudigu ay duqeeyeen goob Aas ama duug ka dhacaysey oo ay dileen dad ka badan 140 qof, xabbad joojinta deg-dega ah ayey ku sheegeen si loo hakiyo dagaalada u dhexeeya Xuuthiyiinta Shiicada ah ee ay taagerto Iran iyo Dowladda taagta daran ee Yemen ee ay taageeraan Sucuudigu.
Qiyaastii 6 900 oo qof ayaa ku geeriyoodey, dadka badan 35 000 oo qof ayaa ku dhaawacmey kadib markii bishii Maarso 2015 ay qarxeen dagaalada Yemen. Dad ka badan saddex Milyan oo qof ayaa guryahoodi ka baxsadey oo qaxooti ah.
Lama oga in xabbad joojinta saddexda maalmood ah la dheerayn doono oo wada hadalku dib u furmi doonaan.