Xaashi Ugaas”Axmed Madoobe wax ugama harsana inuu carruurta ka dhigo xildhibaanno”

0
228

Kismaayo(INO)-Xaashi Ugaas oo kamid ah Odayaasha ka qeybqaadanaayo shirka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Barlamanka Juba ee ka imaanaya Gobolka, ayaa sheegay in Nidaamka xulasho la baalmaray.

Hadalkaani ayaa waxa uu ka sheegay kulan ay ku yeesheen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxa uuna tilmaamay in sharcigii laga dhigay la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan.

Waxa ay ku andacoonayaan in Maamulka Juba uu doonayo in si aan xalaal aheyn uu u bixiyo Kuraasta Barlamanka Deegaanada Gobolka Gedo oo ay sheegeen in qaar ka mid ah Dadka Deegaanka aanba lagu darin Liiska.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “anaga waxaa ka mid nahay Dadka daga Gobolka Gedo hadana waxaan maqleynaa in wax Xildhibaano ah aanan ku laheyn Barlamanka Juba arrintaasi ma cuntameyso mana aqoonsanin waxii kasoo baxa”

Dhanka kale, Xubnaha Baarlamaanka ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo Beelaha Gobolkaasi dega oo tiro ahaan ku nool 15 Degmo oo ka kala tirsan Gobolada Juba iyo Gedo.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here