Xaamud: “Ciidamadeena ma heystaan Miisaaniyad ku filan”

0
191

Muqdisho(INO)-Isaga oo ka hadlayay waxqabadka Wasaaradiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Xasan Xaamud ee jagada sii baneenaya waxa uu soo hadal qaaday daruufaha ay ku howllgalaan Ciidanka Soomaaliya.

xaamud

Xaamud waxa uu sheegay in Ciidamada ay wax badan ay qabteen iyadoo baahi badan ay jirto islamarkaana aysan ciidanka heysan Qalab iyo mushaar ku filan.

“Ciidamadeena ma helaan Miisaaniyad ku filan hadii aysan heysan lahaayeen horumaro kuwa hada ka badan ayey gaari kareyn balse dowladda waxa ay wadaa sidii loo dhisi lahaa tayada Ciidamada” ayuu yiri Xaamud.

Dowladda ayaa kala wareegtay Al Shabaab deegaano badan hase ahaatee waxa ay wali Al Shabaab Maamulaan Dhul balaaran.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here