Xaaladda dalka Turkiga oo kacsan, siyaasiyiin xabsiga la dhigay

0
185

Ankara(INO)- Sagaal Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Turkiga kana tirsan Xisbiga ay taageeraan dadka Kurdida ah ee HDP ayaa la xiray, kadib markii ay diideen in ay ku markhaanti furaan denbiyo lala xiriiriyey Dicaayado Argagaixisado faafiyeen, sida uu sheegay Qareenka u doday.

Sidoo kale waxa la xiray Hoggaamiyaashii Xisbiga HDP Salahattin Demirtas iyo Figen Yüksekdag , Salahattin waxaana lagu qabtey magaaladiisa Diyarbakir, halka Yüksekdag lagu qabtey magaalada Ankara, waxaana ku socda baaritaan la xiriira argagixisada sida uu qoray joornaalka Hurriyet iyo telefishanka NTV.

Turkiga ayaa ku eedaynaya Xisbiga HDP in uu xiriir dhaw la leeyahay ururka ay u arkaan Argagixisada ee PKK. Xisbiga HDP ayaa ah kan saddexaad ee ugu weyn dalka Turkiga.