Dhaq-dhaqaaqyo ciidan saaka laga dareemayaa degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Waxaa Wararka ay sheegayaan in saaka xaaladdu ay tahay mid wanaagsan isla markaana dagaalka waxaa dhex galay maamulka degmada Wanla-weyn.
Dagaal u dhaxeeyo ciidamo laga keeney muqdihso iyo Janaale iyo kuwa dadka Degaanka ah shalay ka dhacay degmadaasi Wanla-weyn iyadoo uu jiro khasaare soo kala gaaray ciidamada dagaalamay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ku dagaalamay Wanal-weyn ay u abaabulan qaab beeleed.
Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa weli si dhab ah wax uga qaban arrinta Shabeellaha Hoose oo soo laab-laabatay dhowr jeer.Waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saaka laga dareemayaa degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Waxaa Wararka ay sheegayaan in saaka xaaladdu ay tahay mid wanaagsan isla markaana dagaalka waxaa dhex galay maamulka degmada Wanla-weyn.
Dagaal u dhaxeeyo ciidamada dadka Degaanka iyo ciidamo xiran dareeska dowlada soomaaliya ayaa shalay ka dhacay degmadaasi Wanla-weyn iyadoo uu jiro khasaare soo kala gaaray ciidamada dagaalamay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ku dagaalamay Wanal-weyn ay u abaabulan qaab beeleed.
Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa weli si dhab ah wax uga qaban arrinta Shabeellaha Hoose oo soo laab-laabatay dhowr jeer.
Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose Xaaji Isaaq Caliyow Maama oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wixii ka dhacay degmada Wanlaweyn uu ahaa isku dhac ciidan isla markaasina ay haatan ku howlan yihiin sidii ay xal ugu goobi lahaayeen ciidamadan ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.
Idale News online, wanleweyn