X.Duqa muqdisho:Taabit Cabdi “Shacabka Muqdisho ma mudna in dhaanto siyaasadeed lagu dul ciyaaro”

0
182

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taabit ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, sidoo kale dadkii la sumeeyay iyo qoyskii ku dhintay dabkii ka kacay Yaaqshiid.

Waxaa uu sheegay in aanay mudneyd in dadka muqdisho aanay mudneyd in dhaanto siyaasadeed lagu dul ciyaaro.

Halkan hoose ka akhriso qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook:

 Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo.

Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn.