Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa goordhaweyd oo Duhurnimadii ah soo dhamaaday.
Dhalinyaro madaxa kusoo duubtay Waar Guduudan ayaa waxay muujiyeen fal celin weyn oo ay kaga hadlayeen sida ay kaga xumaadeen dilalka soo kordhay maalmihii dambe Magaaladaasi.
Wiil Dhalinyaro ahaa oo dhawaan la dilay laguna magacaabi jiray Xaamud ayey aad uga hadleen iyo qaar kasii horeeyey oo laga yaqaanay Magaalada Gaalkacyo.
Warar ayaa sheegayey in rasaas laga maqlay meesha ay Banaanbaxayaasha iskugu soo baxeen,iyadoo wax khasaaro ah aysan ka dhalan.
Gabdho aad uga tiiraanyeysanaa dilka Xaamud iyo dhalinyarada kale ayaa hadalo dareen leh ka jeediyey Banaanbaxa oo ay ku baaqeen in deg deg looga jawaab celiyo Amni daradaasi.