KALA SOCO RADIOKULAN WARARKA SOMALIYA GUDAHA IYO DIBADA' 'NAGALA SOO XIRIIR, EMAIL RADIOKULAN@HOTMAIL.COM
Live Radiokulan

Jaaliyadda Digil I Mirifle ee Dalka Australia oo Kulan Aan Caadi Aheyn Yeeshay Iyo Gudoomiyaha oo Is Casilay.

inta aqrisay :111

Ku:  Dhammaan Xubnaha Jaaliyadda Digil-i-Mirifle             Melbourne, Australia

Og:  Dhammaan Jaaliyadaha Digil-i-Mirifle                          Qurbaha

Og:  Gogosha Maamul-u-Sammeynta Koofur-Galbeed        Baydhaba, Soomaaliya

Og:  Ciddii ay khuseyso

Ujeeddo:  “Wargelin iyo Ogeysiin Ku Saabsan Qodobadii Kasoo Baxay Kulankii Aan Caadiga Ahayn ee  Jaaliyadda Digil-i-Mirifle, Melbourne, Australia”

Shaley oo ay taariikhdu ahayd 19/01/2014 waxaa kulan degdeg ah isugu yimid xubnaha Jaaliyadda Digil-i-Mirifle ee Melbourne, Australia.  Kulankaa oo shirguddoominayey Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Aweys Sheekh Muxudiin ayuu Guddoomiyuhu wuxuu istiqaalo ka keenay jagada guddoomiyenimo ee Jaaliyadda sababo la xiriira faamiligiisa.  Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa la guddoonsaday qodobada soo socda:

QODOBADA LAGU ANSIXIYEY KULANKA

I.  Taakuleynta Bukaanada ku Jira Xarunta Dhimirka ee Baydhaba:  waxaa kulanka lagu uruuriyey lacag gaareysa sagaal boqol dollar (900 AUD) si loogu diro bukaanada ku jira Xarunta Dhimirka Baydhaba.  Waxaa kaloo laysla gartay in bil walba Xaruntaas loo diro afar boqol dollar ($400) laga bilaabo dhammaadka bisha February, 2014.

II.   Magacaabista GUDDI DOORASHO kusoo diyaariya bil gudaheed doorashada Guddoomiyaha Jaaliyadda Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Australia.  Guddiga ayaa dhexdooda iska doortay Guddoomiye iyo howlwadeenada kale.  Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Doorashada ayaa noqon doona Sii-Hayaha xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda inta laga  soo magacaabayo guddoomiye cusub.

Waxaa laysla gartay in guddigaan ka koobnaado shan xubnood oo kala ah:

1. Isaak Hassanow (Unishef) – Guddoomiye

2. Ibraahim Macallin Kutub

3. Mukhtar Ibraahim (Eelay)

4. Cali Xaaji Mukhtaar

5. Mukhtaar Sh. Cabdiraxmaan (Baardheere)

III.  JADWALKA DOORASHADA

1.  Axad 19/01/2014 Guddiga Doorashada wuxuu ku dhawaaqayaa inay furan tahay qabashada araajida murashaxiinta Guddoomiyaha Jaaliyadda.

2.  Axad 19/01/2014 waxaa sidoo kale si rasmiya u bilaabanaya ololaha murashaxiinta ee ku aaddan Guddoomiyaha Jaaliyadda Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Australia.

3.  Sabti 15/02/2014 at 12:00pm waxaa ku eg qabashada araajida murashaxnimo ee Guddoomiyaha Jaaliyadda.

4.  Sabti 22/02/2014 at 12:00pm waxaa ku eg olalaha murashaxiinta.

5.   Axad 23/02/2014 waxaa si rasmiya u dhici doona DOORASHADA GUDDOOMIYAHA JAALIYADDA Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Australia.

XUSUUS:  Waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu wargeliyaa dhammaan xubnaha Jaaliyadda haddii wax laga beddelo ‘Jadwalka Doorashada’, masuuliyadda arintaasna waxaa leh Guddiga Qabanqaabada Doorashada.

SHURUUDAHA MURASHAXA

1.  Waxaa isu soo sharaxi kara jagada Guddoomiyaha Jaaliyadda xubin walboo ka tirsan jaaliyadda diyaarna u ah inuu/inay qabto/qabato xilka guddoomiyaha ha ahaado rag, dumar, dhallinyaro iyo waayeel.

2.   Murashaxu inaanu kamid ahayn xubnaha Guddiga Qabanqaabda Doorashada.

3.  Marashaxu inaan lagu lahayn wax qaaraan jaaliyadeed oo ku baaqday xilliga qabashada arjigiisa/arjigeeda.  Hadday sidaas jirto intaan arjigiisa/arjigeeda la qabanin waa inuu murashaxu marka hore iska soo bixiyo wixii qaraan jaaliyadeed ah ee lagu leeyahay ama horey ugu baaqday caddeyn qoraal ahna kala yimaado Sii-Hayaha Guddoomiyaha Jaaliyadda.

MASUULIYADDA GUDDOOMIYAHA JAALIYADDA

1.  Inuu ka shaqeeyo dhammeystirka qaab-dhismeedka Jaaliyadda si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta u degsan jaaliyadaha dalkaan (Australia) ka jira.

2.  Inuu ku shaqeeyo una hoggaansanaado shuruucda iyo qawaaniinta ay degsatay Jaaliyadda ee ku cad DASTUURKA Jaaliyadda.

3.  Inuu ka shaqeeyo isku xirka, isu ururinta, wax wada qabsiga iyo weliba ka warqabka guud ahaan qeybaha kala duwan ee xubnaha Jaaliyadda.

4.  Inuu ka shaqeeyo qaabkii ay Jaaliyadda usoo dhacsan lahayd xuquuqda maaliyadeed iyo tan maqaam ee kaga maqan Dowladda Australia (state iyo federal) si ay Jaaliyaddu cagaheeda isugu taagto dhaqaale ahaan maqaam ahaana uga mid noqoto jaaliyadaha sida rasmiga loo aqoonsanyahay ee ka jira Australia.

5.  Inuu ka shaqeeyo barnaamijta gargaar, taakuleyn iyo kuwa horumarineed ee ku aaddan baahida gudaha jaaliyadda iyo dibadda dalka labadaba.

6.  Inuu ka shaqeeyo kor u qaadidda magaca, sharafta iyo sumcadda Jaaliyadda gudaha iyo dibadda dalka labadaba.

AWOODAHA GUDDOOMIYAHA JAALIYADDA

Marka lagu daro awoodaha uu gaarka u leeyahay Guddoomiyaha ee ku cad Dastuurka Jaaliyadda, Guddoomiyuhu wuxuu kaloo awood u leeyahay:

1.  Inuu soo jeediyo magacaabista Guddiga Fulinta oo ay ku jiraan labadiisa ku xigeen si ay u ansixiyaan Kulanka Jaaliyadda.

2.  Inuu soo jeediyo magacaabista Guddiga Odayaasha, Guddiga Haweenka, Guddiga Dhallinyarada Jaaliyadda laguna ansixiyo kulan jaaliyadeed.

Halkudheggeenu waa EY TIRINGNE MAGHAAGHENG ISLY TIIRINENG

Isaak Hassanow (Unishef)

Guddiga Qabanqaabada Doorashada ee

Guddoomiyaha Jaaliyadda Digil-i-Mirifle

Facebook Twitter Email

radiokulan waa run ka sheegaha dhacdooyinka caalamka

Nagala Xiriir E-mail info@radiokulan.com Radiokulan@hotmail.com ama radiokulan@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Akhrinta Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maalintii Sedaxaad Galay

Ayadoo shirka dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ugudbay soosaarista Dastuurkii ...

WARARKA MAANTA

Akhrinta Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maalintii Sedaxaad Galay
- Jan 20, 2014
Ayadoo shirka dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ugudbay soosaarista Dastuurkii ay yeelanlaheyd ...
baaaaaaay Maamulka Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhaba oo Soo Dhaweeyay Gollaha Wasiirada Cusub.
- Jan 20, 2014
Maamulka Gobolka Baay iyo Kan degmada Baydhabo ayaa soodhaweeyey Xukuumada cusub uu Magacaabay Ra’iisal ...
jaaliyada Jaaliyadda Digil I Mirifle ee Dalka Australia oo Kulan Aan Caadi Aheyn Yeeshay Iyo Gudoomiyaha oo Is Casilay.
- Jan 20, 2014
Ku:  Dhammaan Xubnaha Jaaliyadda Digil-i-Mirifle             Melbourne, Australia Og:  Dhammaan Jaaliyadaha Digil-i-Mirifle                          Qurbaha Og:  Gogosha Maamul-u-Sammeynta Koofur-Galbeed        ...
sheeq Booliska Somaliland Oo Xiray Nin Dhaawacay Sheekh Muaxaadaro Jeediyey.
- Jan 20, 2014
Booliiska maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku hayaan nin dhawaan toorrey ku dhaawacay Sheekh ...
axme-madobay Munaasabadda Caleemasaarka Hoggaanka Maamulka KMG Ah Ee Kismaayo Oo Maanta Ka Socota Kismaayo.
- Jan 20, 2014
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya wufuud kala duwan oo ka qeybgeleysa munaasabadda ...
kurtzouma Chelsea oo soo todobaadkan la wareegeysa Kurt Zouma.
- Jan 20, 2014
Chelsea ayaa dooneysa in isbuucaan ay soo afjarto saxiixo xiddiga lagu magacaabo Kurt Zouma. 19 ...
wisiiro 9 arrimo oo golaha wasiirada cusub ay kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyey.
- Jan 20, 2014
Aroortii Jimcihii, goor dadku hurdo sanqartuna tahay mid yar ayaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah, ...
koof gudud Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Ajaanib lagu afduubtay Bay.
- Jan 20, 2014
Wararka laga helaayo deegaanka Koof Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in faahfaahin dheeri ah ...

BARNAMIJKA DIINIGA

sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali Dhegeyso Casharkii 12 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 19, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 12 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali Dhegeyso Casharkii 11 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 17, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 11 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 10 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 15, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 10 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh Jacfar Xaaji Cali Dhegeyso Casharkii 9 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 14, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 9 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 8 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 13, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 8 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 7 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 12, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 7 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 6 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 11, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 6 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 5 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 10, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 5 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 4 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 9, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 4 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 3 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 8, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 3 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 2 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 7, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 2 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
sheekh-Jacfar-Xaaji-Cali-300x250 Dhegeyso Casharkii 1 aad Ee Riyaathu-saalixiin.
- Feb 6, 2013
Dhegeystiyaal Aqristiyaal Caawa waxaa inoo bilaabaneya Casharkii 1 aad ee  Riyaathu-saalixiin, waxaana inoo Aqrinaayo Ajar ...
4