Buulo Burde (INO) –– Hay’adda WFP ayaa markii ugu horeysay waxay Raashiin Gar-gaar ah gaarsiisay Degmada Go’doonsan ee Buulo-Burde, Gobolka Hiiraan, xilli ay Dadka Degmadaasi degan u dhimanayaan Gaajo & Macluul.
Liibaan Cabdi Burusow oo ah ku-simaha Gudoomiyaha Buuloburde ayaa sheegay in Hay’adda WFP ay dhanka Cirka ah ku gaarsiisay Raashiinka Shacabka Buulo-Burde, iyadoo ageedsanaysa Diyaaradaha Helicopters-ka.
Wuxuu sheegay in Raashiinka Gar-gaarka ah oo isagu jira nafaqeynta caruurta, Galley iyo Boorash, oo laga soo qaadayo Beledweyne, loogu talo galay in lagu quudiyo Dad gaaraya 1,000 Ruux oo ah Dadka ugu liita ee Kaalmada u baahan hadda.
Maalintii Labo Jeer ayay Diyaaradaha ka degaan Degmada Buulo-Burde, iyadoo taasi ay ka danbaysay markii ay adkaatay Safarka dhulka ah maadaama Kooxda Al shabaab ay Tuulooyinka ay ka jareen Wadada.
Idale Online , Buulo-Burde