Weriye Abdiaziz Abdinur oo ku guuleystey abaalmarin caalami ah.

0
205

Hay’adda PEN International, Guddiga qorayaasha xabisya loo diro iyo hay’adda Oxfam Novib ayaa sanadkan 2014 guddoonsiiyey abaalmarintooda 9 qof oo isugu jira weriyaal iyo kuwo u hadla arrimaha xuquuqda aadanaha kuwaas oo dalal kala duwan u dhashey, waxaana lagu abaal mariyey Xoriyadda hadalka.

Weriyaasha waxaa ka mid ahaa weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim oo dhamaadkii sanadkii 2012 xabsiga u galay warbixin uu ka qorey gabadh sheegtey in ay kufsadeen niman wata direysak ciidanka dowladda. Weriyaha ayaa bilowgii sanadkii 2013 maxkamaddu siid eysey.

Xabsiga Cabdicasiis ayaa si weyn u gil-giley dowladda fedraalka, waxaana uu hareeyey safarkii u horeeyey ee Madaxweyne Xasan Shiikh ku tago dalalka Yurub. Xarigii Cabdicasiis ayaa ku soo beegmayey xilli dalalka reer Galbeedku dhaqaale badan ku bixinayeen sidii looga hortegi lahaa Kufsiga iyo galmada shaqaqada ku dhisan.

Caalamka ayaa si weyn ula yaabey in gabadhii sheeganaysey in la kufsado iyo kii ka soo tebiyey ee arinteeda banaanka keenay la xiray, halka Dowladdu ku doodeysey in Caddaaladdu ay madax banaan tahay, sheekada gabadha iyo weriyaha lagu xireyna ay ahayd mid been-abuur ah oo la sameeyey si loogu gaaro dano gaar ah.

awariye,

Idale News Online.