Wendy Sherman oo Uganda ka codsatey in ciidankoodu Somalia sii joogaan.

0
201

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kala hadashay hanjabaaddii ay dhowaan dowladdiisa ku sheegtay in ay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya iyo dalalka kale ee ay nabad ilaalinta u joogto.

Ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda Wendy Sherman, oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Nairobi ayaa sheegtay in ay Museveni ku boorrisay in uu qayb ka sii ahaado howlgalka lagu xaqiijinayo nabadda Geeska Afrika, iyadoo ka gaabsatay in ay faahfaahiso in uu ka oggoladay dalabkooda.

Wendy Sherman ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay ka codsadeen in la xoojiyo taageerada dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya iyo xiriirka dhinac walba leh ee u dhaxeeya labada dowladood.

Waxay sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee ka curtay  Soomaaliya.

Wendy Sherman ayaa tilmaantay in booqashadii ay shalay ku tagtay Muqdisho ay u muujisay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doonayaan in horumar ay horseed u yihiini oo dhinacyada kale duwan leh laga fuliyo dalka, waxayna sheegtay in dowladda Mareykanka ay arrinkaas si weyn u soo dhoweyneyso.

Waxay si weyn ugu ammaantay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo dalalka qaybta ka ah ciidanka AMISOM kaalinta ay ka qaateen in shacabka Soomaaliyeed laga taageero dib u soo celinta amniga iyo sidii ay dadka Soomaaliyeed u hiigsan lahaayeen horumar muuqda.