Baydhabo(INO)- Wafuud Uu Hgogaaminaayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa maanta waxay gaareen deegaanka Goofgaduud buureey oo 30 kilimitir dhabka waqooyi kagabeegan Magaalada Baydhabo kadib markii deegaaskaasi loomagacaabay Gudoomiye cusub.
Wafdigan uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi cali Watiin ayaa waxaa wefdigiisa kuwehleyiyey Taliyaha booliska Degmada Baydhabo ,odayaasha deegaaanka Goofgaduud Buurey iyo mas’uuliyiinta cusub ee dhawaan loomagacaabay deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 kilomitir dhanka waqooyi kagabeegan Magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiintan gaartay deegaankaasi oo ujeedadoodu ahayd sidii masuuliyiinta cusub ee dhawan wasaarada arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya umagacawday deegaanka Goofgaduud loogeyn lahaa loona wargelin lahaa bulshada deegaankaasi ayaa markii halkaasi ay gaareen waxaa halkaasi kusoodhaweeyey odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.
Soo dhaweynta kadib ayaa waxaa waxgaradka deegaanka lahadlay ugu horeyn Xaawo sokor Cali Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, Taliyaha saldhiga Degmada Baydhabo Muqtaar Dubudow oo kamid ahaa wefdiga gaaray Goofgaduud ayagoona sheegay in ay wada shaqayn dhexmarto maamulka iyo bulshada kale.
Ugudanbeyntii Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa shacabka u sheegay in ay la shaqeeyaan maamulka Cusub lagana shaqeeyo amaanka.
Masuuliyiintan cusub ee loo magacaabay GoofgaduudBuurey ayaa waxaa uu qayb ka yahay maamulo loomagacaabayey degmooyinka iyo deegaano ka tirsan gobolka Bay.
Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Idale News Online, Baydhabo