Wefdi ka socoda Galmudug oo gaaray Xeraale shacabkana ugu baaqay in ay dib u gu soo laabtaan….

0
210

Idalenews:Wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa gaarey magaalada Xeraale Axadii gelinkii dambe, iyagoo u kuurgalaya saameynta dagaaladii dhawaan ka dhacay galkaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa lakulmay qaar kamid ah waxgaradka deegaanka, iyagoo wax laga xukmaado ku tilmaamay dagaalada islamarkaana ku baaqey in shacabka ay dib ugu soo laabtaan guriyohooda, dhinacyadii dagaalamayna ay nabadda qaataan.

Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleedka Galmudug oo kamid ahaa xubnaha wefdigaasi uu ka kooban yahay ayaa ka hadlay ujeedka socdaalkooda.

“Waxaan u imaanay halkani in aan u kuurgalno xaalada deegaanka iyo nolosha shacabka, runtii magaalada way haawanaysa, 2% boqolkiiba oo kaliya ayaa soo laabtay dadka dagaalada ka barakacay, waxaan ugu baaqeynaa shacabka in ay guriyahooda ay dib ugu soo laabtaan”, Ayuu yir Wasiir Mursal C/raxmaan.