Weerarkii Ka Dhacay Dalka Biljamka oo La Sheegay In Ay Ku Dhinteen Saraakiil Sare oo Israa’iili Ah.

0
215

Weerarkii ka dhacay Caasimadda dalka Biljimka 24 bishii aynu soo dhaafney ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ahaa Laba Sarkaal oo katirsan Sirdoonka Musaadka ee Yahuudda.

Wargeys laga leeyahay Maamulka Yahuudda ayaa waxa uu daabacay in weerarka lagu dilay labadaas Sarkaal uu ahaa mid horey looga soo shaqeeyey,islamarkaana ay ka danbeeyaan Kooxo Argagixiso.

Weerarka oo ka dhacy Matxaf Yahuudda ay leeyihiin kuna yaala Caasimadda Biljimka ayaa waxaa lagu dilay 4 Ruux,waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa Nin iyo Xaaskiisa oo Yahuud aha,kuwaas oo haatan Wargeyskan uu sheegayo iney ahaayeen Saraakiil sare oo Musaadka ka tirsan gacanna ku lahaa Weeraro badan oo ka dhacay wadamada Caalamka.

Haweeneydan iyo Ninka oo ahaa kuwa Isku dhaxa ayaa waxay kamid ahaayeen dadkii ka danbeeyey weerar ka dhacay Imaaraadka,kaas oo lagu dilay Maxamed Al-Mabxuux oo ahaa hogaamiye katirsan Garabka Meleteri ee ururka Xamaas.

Dowladda Biljimka ayaa ku tilmaamtey Weerarka ka dhacay wadankeeda mid Argagixiso,inkastoo aysan jirin illaa iyo hadda Cid sheegatey Masuuliyadda Weerarka.

Idale News Online.