Weerarka gudaha Madaxtooyada lagu qaadey oo su’aal dul dhigay awoodda dowlada ee wax ka qabashada amniga guud ee dalka

0
176

Weerarka maanta lagu qaadey Villa Soomaaliya ayaa khasaaraha ka dhashey uusan ahayn sidii la qiyaasayay marka loo eego awooda Weerarka, dhimashadu waxay u badan tahay ciidanka Dowlada, Waxaa ku geeriyoodey Agaasimihii Xafiiska Raysal wasaaraha, Taliyihii hore ee Nabad sugida, Askari Jabuutiyaan ah oo ka mid ahaa ilaalada Safiirka Jabuuti.
Madaxweynaha Amaankiisa waxaa la wareegey Amisom, lamana oga meesha la geeyey hada ma uu joogo Villa Soomaalia.

Dhawac badan ayaa iyana jira ay kamid yihiin koox xilædhibaano ah oo dhawacoodu fufu yahay, waxaa hada aad loo adkeeyey Guud ahaan amaanka Villa Soomaaliya, Ciidamada Amisom waxay xireen dhamaan Wadooyinka gala Villada.

Weeraradaan soo noqnoqday isla markaasna ka dhaca xarunta madaxtooyada iyo agagaarkeeda iyo weliba xarumaha kale ee dowlada ayaa muujinaayo in dowlada aysan haba yaraatee haysan sirdoon ka hortaga weerarada noocaan.

Nin ka mid ahaa dadka ku nool magaalada Muqdisho oo aad ugu carareysan tababar darida dowlada ayaa yiri “Nafti gabe nafkale ma kalkaalo dowlad iyadiiba is difaaci la’ miyaan kasugaynaa in ay shacabkeeda iyo dalkii Soomaaliyeed oo idil  ka difaacdo cadow gudaha iyo mid dibada ah”

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa quus ka jooga hadalada macaan ee masuuliyiinta amniga ka sheegaan in magaalada Muqdisho amni tahay.

Raysal Wasaaraha ayaa isna soo degaya maanta sidaas awgeed waxaa aad loo adkeeyey Amaanka inta u dhaxaysa Villa Soomaaliya ilaa Garoonka Diyaaradaham, Wadada Maka Al-muklarama waxaa lagu daadiyey Ciidan fara badan.

6qarax

Idale News Online