Kabul(INO)- Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootey kadib qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Bagram ee ku dhaw caasimadda Afqaanistaan ee Kabul sida laga so xiganayo NATO. Ugu yaraan 14 qof oo kale ayaa ku dhaawacmey.
Dhaq-dhaqaaqa Talibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa sheegtey in ay ka masuul yihiin weerarka, waxaana uu ku soo aadey xili weerarada Talibaanku ay hoos u dhacaan oo dalku uu galay xiligii qabowga Jiilaalka.
Saldhigga ciidamada cirka ee Bagram ayaa marar badan sidaan oo kale loogu qaadey weeraro. Sanadkii hore bishii Diseembar qof bom isku soo xiray ayaa isku qarxiyey meel ku dhaw garoonka, waxaana uu diley 6 kamid ah askarta Maraykanka.