Ceelwaaq ( INO)- Ciidamada Ethiopia ayaa maanta waxaa Qarax Miino lagula eegtay deegaanka Yurkud ee Gobolka Gedo.
Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay in weerarkooda ay ku dileen illaa 3 Askari oo Ethiopian ahaa.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in Qaraxa uu ku basbeelay mid ka mid ah Gaadiidkii Ciidamadaasi Ethiopian-ka ah ay wateen.
Weli ma jiro Taliska AMISOM oo Ciidamada Ethiopia ay qeyb ka yihiin wax hadal ah oo ay ka soo saareen weerarkaas ay sheegeen Al Shabaab in khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Al Shabaab ayaa weeraro khasaarooyin kala duwan geystay ka fuliyay Gobolka Gedo , iyagoona weli kaga sugan gobolkaas deegaanno kala duwan.
Weerarkii ugu dambeeyay waxa ay ka fuliyeen degmada Ceelwaaq halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Idale News Online, Ceelwaaqo