Baydhabo(INO); Kooxo hubeesan oo watay gaari yar ayaa saakay weerar khasaaro geestay waxa ay ku qaadeen gaari ay la socdeen Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho.
Sida aan Wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa rasaas xoogan ku furay gaariga uu la docdeen saraakiisha katirsan ciidanka Milatariga xili uu kusii dhawaa Wasaarada Gaashaandhiga oo xiligaasi ka socotay munaasabd xil wareejin ah.
Inta la xaqiijiyay sadex sargaal oo katirsan ciidanka Milatariga lana socotay sargaalka la weeraray ayaa dhaawacmay, waxaana wararka sheegayaan in uu weerarkaasi uu ka bad baaday sargaalka la doonayay in lagu khaarijiyo
Gaarigii weerarka fuliyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala Wasaarada Gaashaandhiga iyagoona bilaabay baadi goobka gaarigii weerarka fuliyay.
Weerarada lagu fuliyay gaadiidka ay la socdaan raga hubeesan ayaa kusoo kordhay waayadan dambe magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baxsada oon gacanta lagu dhigin gaadiidka lagu fuliyo weeraradaasi oo dhaliya khasaaro kala duwan.
Idale News Online,