Weerar Isqarxin Oo Lala Eegtay Garoon Ka Socotay Ciyaar Kubada Cagta

0
333

Iskaandariya(INO)— Illaa 29 ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo lala eegtay garoon ay ka socotay ciyaar kubada cagta ah magaalada Iskandariya ee dalka Ciraaq.

Qaraxan ayaa yimid markii ay ciyaarta dhamaatay, isla markaana ay socotay abaal marinta kooxdii guuleysatay.

Illaa 60 kale ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo nin naftii hure ah uu la beegsaday goobtii ay dadka soo buuxiyeen ee ka socotay abaal marin bixinta kooxdii koobka ku guuleysatay.

Kooxda IS oo gacanta ku heysa qeybo badan oo ka mid ah Ciraaq ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkan.

Duqa magaalada Iskandariya ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa, isla markaana xilliga qaraxa dhacayay uu ku howlanaa bixinta abaal marinta.

Magaalada Iskandariya ayaa ah magaalo ay ku badan yihiin Shiicada, waxaa ay 40KM koofur ka xigtaa magaalada Baqdaad ee Caasimada Ciraaq.

Idale News Online, Iskaankariya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here