Weerar Culus Oo Lagu Qaaday Saldhiga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0
308

Qoryooleey ( INO )-Wararka aynu ka heleyno degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in dableey Hubeysan xalay ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmadaasi.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u cuslaa islamarkaana geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah walow aan la cayimin.

Sidoo kale weerarka oo markii dambe isku bedelay dagaal fool fool ka fool ah ayaa muddo saacado ah ka socday degmadaasi Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga cidda ka dambeysa weerarkaasi balse Al Shabaab ayaa weerarada nuucaasi ah looga bartay iyagoo horay u sheegtay Masuuliyadda weeraro kala duwan oo ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Idale News Online,

Somali News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here